Saddex arrimood oo sabab u noqday inuu hakado Ololihii Mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho uu ka socday ololaha saxiixa Mooshin laga waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa uu iminka u muuqdaa mid hakaday, kaddib caqabado is biirsaday oo soo wajahay.

Dhowr arrimood ayaa sabab u ah inuu mooshinkan hakado, kaddib markii caqabado ay soo wajaheen, waxaana ugu weyn xirnaanshaha kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, iyadoo Kooxda waday Mooshinkan ay doonayaan inay geeyaan ka hor inta aanu xirmin kulamada Baarlamaanka.

Arrinta koowaad ayaa lagu tilmaamay isku day Kooxda Mooshinka waday ku doonayeen inay kaga dhaadhiciyaan Guddoonka Golaha shacabka inuu dib u dhigo xilliga la soo xirayo kalfadhiga oo ku beegan maanta oo 16-ka bisha December tahay, isla markaana muddo 10 maalmood dib loo dhigo. si ay ugu suurta gasho in mooshinkooda oo diyaar ah ay u geeyaan.

Tan labaad ayaa ah in kala fur-furid uu ku bilowday Xildhibaanada mooshinka saxiixay, kuwaasoo laga war helay tiradooda, waxaana maalmo ka hor ka laabtay mooshinkii uu saxiixay Xildhibaan C/llaahi Shaacir, taasoo keentay in kooxdii mooshinka waday ay dareemaan culeys ah inuu ku socdo kala fur-fur bilow ah.

Arrinta kale ee caqabada keentay ayaa ah isku day xubnaha mucaaradka ku doonayeen in fikradahooda kaga gadaan Culimada oo xilligan difaac iyo gaashaan u ah dowladda, waxaana guuldareystay kulamo ay kaga dhaadhicinayeen qorshayaashooda.

Ilo ku dhow dhow Xubnaha Mooshinka waday ayaa sheegaya inay go’aansadeen in mooshinkooda dib u dhigaan, illaa Baarlamaanka fasaxa ka soo laabanayo, waxaana wararka qaarka sheegayaan inay heystaan tiro ku filan oo gaarayay sagaashameeyo.

Mooshinka la doonayo in laga keeno Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay midkii u horeeyay noociisa oo ka duwan mooshinadii horay dalka u soo maray, marka laga eego  abaabulkiisa iyo diyaar garowgiisa, waxaana mooshinkan saxiixiisa kaliya uu gaarayay lacag dhan $10,000, isla markaana balan-qaadkiisa ahaa mid xooggan.

Si kastaba ha ahaatee inta uu xiran yahay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa dareemi doonin wax culeys ah, waxaana la saadaalinayaa inta fasaxa lagu maqan yahay inay is bedelo dhici doonaan.

Isha: Jowhar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com