Tiiceey “Sharciga ayaan la tiigsanaa dadkii aan u xirnaa Afar sano iyo Labo Bilood”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Aadan Tiicey ayaa ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Biljamka muddo dhan 4 sano iyo labo bilood, waxa uuna sheegay intii uu xirnaa in marba kiis lagu raadinaye, balse aanan suurta gelin.

Kiisaska lagu heystay ayuu ku sheegay in uusan mid sugan maadaama marka kiis lagu dayaye in dusha laga saaro, waxaana kamid ah:- in lagu eedeenaye ku lug luhaanshiyaha Burcad badeed afduubatay Markab Biljamka laga leeyahay iyo kuwo kale.

Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay sharciga Xukuumadda Brussels ee ay ku wajahday, kiisaska kala duwan ayuu sheegay in ay isku dayeen in ay ku raadiyaan afar sano iyo labo bilood oo uu ku xirnaa dalkaasi.

Maxkamadaha dalkaasi ee heerarka kala duwan ee dacwooyinka ayuu sheegay in marwaliba la hor geyn jiray Cadeeyo aanan xaqiiqadeeda dhaafsaneen Gudaha Biljamka, Laakiin dib loogu soo celinaye.

Wadada u furan ayuu sheegay in ay tahay in uu Maxkamad la tiigsado Dowladda Biljamka oo isagu xirtay uuna ka dooonayo Magdhaw si dib ugu soo celiyo dhaawacyadii gaartay sharaftiisa Muddadii uu xirnaa sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Aadan Tiicey oo muddo afar sano iyo libood ah xirnaa waxaa tan iyo xiligaasi socday waan waan lagu sii deynayo, waxa uuna la socday Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo horay u sheegay in uu kaga baxay Kooxaha Burcad badeeda oo hogaamiye u ahaa.

Tiiceey ayaa wajahay kiis la xiriira in Xiriiir shaqeyd ay lahaayeen Kooxaha Burcad badeeda, gaar ahaan Burcad Afduubatay Markab iyo Muwaadiniin Biljamka u dhalatay, inkastoo jiritaanka warkaasi uu u muuqda mid meesha ka baxaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com