25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Kaliil oo qoray caaraddiisa xilka looga wareejiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu caleemo saaray gudoomiyaha cusub ee Gedo, kaasi oo uu dhawaan soo magacaabay Axmed Madoobe.

Axmed Buule Maxamed Canjeex, gudoomiyaha cusub ee gobolka Gedo ayaa lagu caleemo saaray magaalada Doolow, waxaana xaflada daawanayay gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Kaliil, ayaa lagu qasbay inuu xaflada ka qeybgalo maadaama ciidamada Ethiopia ay ku sugan yihiin degmada Doolow, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Fartaag.

Gudoomiyaha cusub ee maanta la caleemo saaray ayaa waxa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono aayaha gobolka Gedo, isagoo wada shaqeyn ka dalbaday gudoomiyaasha dhamaan ee degmooyinka.

Maxamed Cabdi Kaliil, ayaanan wax xil ah wareejin sida ay inoo sheegeen xubno xaflada ka qeyb galay oo ka gaabsaday magacooda cabsi ku aadan in la xiro darted.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News