XOG cusub: QM oo shaqada ka ceyrisay sarkaal arrin yaab leh ka geystay dalka SOOMAALIYA..!!!

New York (Caasimada Online) – Qoraal kusoo baxay Wargeyska Inner CityPress ee ka soo baaxa Maraykanka, ayaa qoray in QM ay shaqada ka fadhiisisay Sargaal magaciisa lagu sheegay David Bax.

Daxid Bax ayaa ka howlgali jiray Xarunta QM gaar ahaan Xafiiska Adeegyadda Mashaariicda ee UNPOS, waxa uuna shaqadaasi ku waayay faafinta Sir aan loo igman taasi oo la xiriirta in DF Somalia ay soo iibsaneyso Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee SA 7, kaasi oo ay u adeegsaneyso difaaca Hawad Somalia, sida Xogta ay muujineyso.

Saraakiisha sare ee Xafiiska Adeegyadda Mashaariicda ee UNPOS, ayaa diiday in Sargaalka lagu magacaabo Daxid Bax loo cusbooneysiiyo Qandaraaska Shaqo ee uu kula jiray QM, waxaana ceyrintiisa loo sababeeyay faafinta Sirtaasi laga baahiyay DF Somalia.

Mr Stephane Dujarric oo ah Afhayeenka QM, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid kasoo baxay Safiiska sare QM, waxa uuna ka gaabsaday inuu ka bixiyo Faahfaahino dheeraad ah oo la xiriiro arrinta ka danbeysay burinta Sargaalkaasi.

Stephane Dujarric ayaa sidoo kale sheegay inay socdaan baaritaano lagu xaqiijinaayo sababta keentay in Daxid Bax uu amar la’aan ku faafiyo Sirtaasi oo aan loo igman.

Balse Afhayeenka waxa uu xaqiijiyay inuu la socdo in Daxid Bax laga hakiyay shaqada uu u hayay QM, kadib markii uu dhameystay wakhtigii Qandaraaskiisa.

Sidoo kale, Saraakiil kale oo ka tirsan QM ayaa u Wargeyska u sheegay in David Bax lagu helay isticmaalka awood Maamul, Anshax-xumo Galmood iyo isagoo fasax la’aan uga hadlay Hubka la sheegey inay Dowladda Somalia soo iibsanayso.

Dhanka kale, Sargaalkaani ayaa banaanka soo dhigay qorsho ay DF Somalia kusoo iibsaneysay Gantaalladda Lidka Diyaaradaha ee SA 7, iyadoona aan ilaa iyo iminka la garaneynin sababta ka danbeysay in DF Somalia ay Hubkaasi iibsato xili ay ka cabaneyso dhaqaale xumi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com