Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaxiibkiis Cabdi Kariin Guuleed u damqaday fariin culusna diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay Saaxiibada Beesha caalamka ee Garab Istaaga ku caawiya Dowladda Federalka Somalia inay wax ka bedelaan qaabka dhaqaalaha ay ugu yaboohaan dalka Somalia.

Markii hore dhaqaalaha caalamka Somalia waxaa loo qaybsan jiray Puntland, Somaliland iyo Koonfurta iyo Bartamaha, balse hada waxaa dhismay Maamul Goboleedyo kala duwan oo deeqahaasi barkooda la doonayo in la gaarsiiyo.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay beesha caalamka in Somalia ay gashey marxalad cusub oo ka duwan tii hore, islamarkaana wixii haatan ka dambeeya ay maamullada cusub ee dhismaaya si buuxda wax ugu leeyihiin talada siyaasadda, horumarka, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Nuqul kamid ah haddalka Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxaa kamid ahaa “Saaxiibadeena Beesha caalamka waxaan leenahay waad ku mahadsan tihiin garab Istaaga aad Soomaalia la garab taagan tihiin, balse Somalia sidii hore waa ay ka duwan tahay deeqaha markii hore la bixin jiray waxaa loo qaybsan jiray Puntland, Somaliland iyo Koonfurta iyo Bartamaha, laakiin hada Dowlad Goboleedyo ayaa dhismay Galmudug State, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland waa in si siman wax loogu wada qaybiyaa”

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa u muuqda mid dhaqaale loogu abuuraayo Maamulka Galmudug oo uu Hogaamiye ka yahay C/kariin Xusein oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com