“Maxamed Cabdi Kaliil inuu nagu heysto afduub uma dulqaadan doono ha ogaado” Waxaa yiri…

Dooloow (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka gudi hoosaadka arimaha bulshada baarlamaanka Axmed Aabi ayaa ka hadlay xil ka qaadista uu Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ku sameeyay Max’ed Cabdi Kaliil.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xil ka qaadista Kaliil ay tahay mid u taalla Axmed Madoobe, DF Somali ay iyaduna lee dahay ku raacid, sidaana uu Hogaamiyaha Jubba xilka uga qaaday.

Waxa uu Axmed Aabi sheegay in Kaliil uu doonaayo inuu iska heysto xilka Gobolka Gedo, taasina aysan suuragal aheyn loona baahan yahay in isbedel lagu sameeyo Maamulka.

”Adeer Kaliil waxa uu doonayaa in Bulshada Gedo uu afduubto meesha waxaa ka jira maamul waa inuu u hogaansamaa amarka xilka looga qaaday”

Xildhibaan Aabi waxa uu cadeeyay inuu taagersan yahay go’aanka xilka looga qaaday Kaliil, waxa uuna ka dhigay mid sharci ah, inkastoo xil ka qaadista Kaliil sharci ahaan ay leedaha Wasaarada Arrimaha Gudaha dalka, halka Maamulka Jubba uu leeyahay soo jeedin.

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha Maamulka Jubba uu xabsi guri dhigay ilaa 5 Siyaasiyiin oo ay kamid yihiin Max’ed Cabdi Kaliil , Max’ud Sayid Aadan iyo Aw Libaax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com