Beesha Muddulood oo ka hor-timid heshiiskii ka dhacay Villa Somalia shalay kuna dhowaaqday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Mudulood oo ka mid ah Beelaha Gobolka Shabeellaha Dhexe degga, ayaa waxay ka hortimid heshiiska Sabtidii lagu kala saxiixday Madaxtooyada Muqdisho, ee yoolkiisu uu ahaa Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Kulan ay horkacayen Odayaasha Dhaqanka Beesha Mudulood oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayay kaga soo horjeesteen heshiiskii ka dhacay Villa Somalia, iyagoona muujiyay sida ay kaga soo horjeedan heshiiskaasi.

Odayaasha Dhaqanka waxay si adag u sheegeen inaanay marnaba aqbali doonin heshiis kasta oo la xiriira Maamul U Samaynta Goboladaasi, haddii aan markaasi lagala tashan Odayaasha Dhaqanka.

Caaqil C/fataax Macalin Maxamed, ayaa sheegay inay socdaan tallaabooyin siyaasadeed oo sida uu sheegay aan iyaga wax texgelin ah haba yaraatee laga siin, sidaasi daraadeedna aynaan aqbali karin heshiiska Maamulka loogu samaynaayo Goboladaasi.

Caaqil C/fataax oo ah Gudoomiyaha Guddiga Odayaasha Dhaqanka Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa uu ku waramayaa in xuquuq badani ay iyagu ka maqan tahay, wuxuuna meesha ka saaray inay soo dhawaynayan heshiiskaasi.

Kulankan oo uu shir guddoominaayay Nabadoon Shariif Xuseen Jilicow, ayaa looga dhawaaqay guddi ka kooban 41 xubnood, xubnahaasi oo loo igmaday inay sii wadaan kulamada noocaani oo kala ah, oo lagu sheegay aayo ka talinta Beesha Mudulood.

Marka laga soo taggo go’aanka Beesha Mudulood, ayaa kaasi mid ka duwan waxaa qabta Beesha Baadicadde, oo iyadu si diiran u soo dhaweysay heshiiska ay wada saxiixeen Gudoomiye-yaasha Gobolada Shabeellaha Dhexe & Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com