Xog: Odayaasha Halgan oo ka hor-yimid qorshe saraakiisha ciidanka Ethiopia ay damacsanaayen

Hiiraan (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanka Halgan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay ciidamada dowlada Ethiopia saraakiisha hogaamineyso iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanka.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa ku saleysnaa sidii Odayaasha dhaqanka Halgan looga dhaadhcin lahaa qorshe ay damacsanaayeen saraakiisha Ethiopia ee ku sugan deegaanka oo ahaa in odayaasha qaar loo qaado daka Ethiopia ayna goob kaga ahaadaan maxkamadeynta saraakiishii dishay odayasaha dhaqanka ee shalay lagu dilay duledka Halgan.

Waxgaradka ka qeyb galay kulan ka dhaca deegaanka Halgan ayaa sheegay in loo keenay labo sarkal oo la sheegay iney ka dambeeyeen dilka nabadoonadii shalay la xasuuqay, kuwaasi oo lag wargeliyay in lagu maxkamadeynayo dalka Ethiopia.

Odayaasha ayaana ka horyimid qorshahaasi iyagoo ka baxay in xabsi la geliyo marka la geeyo dalka Ethiopia, maadaama Ethiopia lagu yaqaan falal badan oo ceynkaasi oo kale ah.

Waxgaradka ayaa dalbaday in gobolka Hiiraan lagu maxkamadeeyo labada ruux ee loo sheegay iney ahaayeen dadka ka dambeeyay dilka nabadoonadii shalay lagu dilay duleedka Halgan.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com