“Meyd ahaan ayay igaga tageen, gabar uur lehna aniga oo u jeeda ayaa rasaasta lala dhacay”..!!

Beledweyne (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dhacdadii ciidamada Ethiopia ay ku lahaayeen waxgarad iyo odayaal kusii jeeday deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Cabdi Dhimbil Taliyaha AMISOM ee Hiiraan iyo Galgaduud ee qeybta afaraad, ayaa sheegay iney ka warheleen xogta ku aadan dhibaatada loo geystay dadka rayid ah ee kusii jeeday deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

“Waan maqlay shalay in shil xun uu ka dhacay Halgan, baaritaan ayaan anagana wadnaa iyagana waxay sheegtay in gaariga bar koontarool joogsan waayay laakiin dhankooda ayaa sheegtay, annaga baaritaan ayaan sameyneynaa”ayuu yiri C/raxmaan Dhimbil.

Dhanka kale qaar kamid ah dadkii ka badbaaday weerarkii ka dhacay Halgan ayaa ka sheekeeyay dhacdooyin xanuun badan  oo ay kala kulmeen ciidamada Ethiopia ee ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

“Beledweyne ayaan ka baxnay waxaan u soconay Halgan intaan ku sugneyn meel aan ku dhaweyn halgan ayay rasaas nagu fureen, wey na qabteen Bam ayay soo baxsadeen wey nagu tuureen, markii dambe ayay na kaxeeyeen oo rasaas ayay la dhaceen odayaasha anigoo u jeeda”

“Aniga  meyd ahaan ayay iiga tageen hadda waan fiicanahay , laakiin gabar uur leh ayaa dhaawac xun uu soo gaaray, wiil yarna qoorta ayaa xabad kaga dhacday”ayay tiri mid kamid ah dadkii ka badbaaday rasaasta ciidamada Ethiopia.

Waa dhacdadii ugu foolka xumeyd ee kadhacday gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com