Daawo sawirada: Xusen Cabdi Xalane oo maanta tagay magaalada Kismaayo, kuna dhowaaqay in..

Kismaayo (Caasimada Online) – Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliya oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa cadeeyay inaanu ahayn Musharax Madaxtinimada Maamulka Jubbaland u taagan.

Daba yaaqada toddobaadkii hore, ayaa waxaa soo suuq gashay in Xuseen Cabdi Xalane uu u tartami doono Jegada Madaxtinimada Jubbaland, isagoo markaasi taageero ka helaaya Dowladda Federalka Somaliya.

Xuseen Cabdi Xalane oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayuu cadeeyay inaanu ahayn Musharax Madaxweyne, isla-markaana aanu damac kaga jirin in xilkaasi uu qabto.

Xalane oo cod kore ku hadlaayay, ayaa tibaaxay inuu isagu taageersan yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha weli tallada Maamulka Jubbaland haaya ahna Musharax Madaxtinimada u taagan.

Dowladda Federalka Somaliya & Beesha Caalamka, ayaan illaa iyo hadda ka hadal aragtidooda la xiriirta Doorashada Madaxtinimada Jubbaland, oo 15-ka bishan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha, ayaa waxaa soo dooran doona Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, oo wadartoodu guud ay dhan tahay 77 xubnood, inkastoo Baarlamaanka Somaliya uu Baarlamaankaasi ku tilmaamay mid gacan ku rimis ah, oo aan sharci ahayn.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed C/raxmaan, ayaa 1-dii bishan Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in Doorashada Madaxweynaha la qaban doono 15-ka August.

xalane 1xalane 2xalane 3xalane 4xalane 5

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com