Kalimadii bad-baadisay dalka “Thuma Wallaahi”

Marka wadamada qaarkood xaalad cakirnaan dhanka siyaasadda ah ay la soo gudboonaato, waxaa lagu baxsadaa dadaalka waxgaradkiisa ama caqli & tanaasul ka yimaada kuwa talada haya ama koox is-xilqaanta, waxaa intaas sii dheer kalimad waqtigeeda la yiraahdo oo afka mid ka mid ah hogaamiyaasha dalkaas ka soo baxda.

Kalimadda “thuma wallaahi” ee todobaadkii la soo dhaafay uu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh. Axmed ka dib markii uu ka soo noqdey safar mashaqo badan ay u mareen asaga iyo wafdi uu hogaaminayey oo naftoodu halis ku gashey si gargaar ay u wadeen magaalada Beledweyne u gaarsiiyaan, kalimadaas waxaa loo aqoonsanayaa tii dalka badbaadisay, miyirkana u soo celisay kuwii Dhaqanka kalitalisnimada is lahaa dalkaan ka hirgaliya iyo kuwii u sacaba u tumayey oo Soomaali iyo shisheeyaba lahaa.

Qodobka 96-aad ee dastuurka dalka wuxuu ka hadlayaa dhaarta madaxweynuhu marayo marka loo doorto xilkaas taasoo uu ku dhawaaqayo sidatan “Waxaan ku dhaaranayaa magaca ilaahey inaan xilkayga u gudanayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ay ku jirto, dhowrana dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla”.

Marka madaxweynuhu dastuurka iyo shuruucda dalka ee uu ku dhaartey ilaalintooda uu ku xadgubdo, wuxuu luminayaa heybaddii iyo astaantii madaxweynenimo, wuxuu la mid noqonayaa saddexdii qolo ee madaxweyne Shariif uu tilmaamay ee sharcigooda gacmaha ku watey umaddana laga hor wareejiyey, xaalku marka halkaas uu gaaro in “thuma wallaahi waan bixinaynaa haddii aysan joojin waxa ay wadaan oo ku xadgubka dastuurka iyo shuruucda dalka ah” ay timaado waa Badbaado daleed iyo samatabixin umadeed, iyo sidoo kale u hiilin dastuurka iyo shuruucda dalka oo ah waxa dawladnimada lagu yahay.

Thuma wallaahi waxey soo gabagabaynaysaa “Muddo kororsigii ka guuxayey madaxyada reer Villa Somalia, dhaqankii kalitalisnimada, ku xadgudubka dastuurka, inaan doorasho ku dhicin waqtigeedii…iyo…..iyo….. waxyaale kale” sidaas awgeed kalimadaas waxaa loo aqoonsanayaa tii badbaadisay mustaqbalka jiilashada Soomaaliyeed.

W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid