Xog: Doorasho deg deg ah oo laga qabanayo Koonfur Galbeed kadib fadeexadii ay shaacisay QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhawaan safar ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, xili uu ku howlanaa dhismaha Galmudug.

Wasiirka ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wakiilada ee Koonfur Galbeed, waxayna kawada hadleen arrimo xasaasi ah.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiirka uu halkaasi ku tagay amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya oo la siiyay isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaas oo ah in si deg deg ah doorasho looga qabto Baydhabo.

Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Koonfur Galbeed ayaa ah mid ku saabsan Golaha Wakiilada oo waqtigooda uu ku egyahay 31/12/2019, waxaana ka hor loo baahan yahay Xildhibaanadii badali lahaa kuwa hada jooga.

Wasiir Sabriye iyo Madaxweyne Lafta Gareen ayaa la filayaa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha Golaha Baarlamaanka ka hor sanadka cusub, waxaana dhawaan lagu dhawaaqi doonaa goorta iyo sida loo qabanayo doorashada Xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.

Dhamaadka bishii December ee sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii lagu dhawaaqay Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed waxaana la filayaa in hada ay bilaabato qorshaha sameynta Baarlamaan cusub.

Qorshahan doorashada ayaa imanaya ayada oo warbixinta guddiga khuburada QM ee Soomaaliya ay shaaca ka qaaday fadeexad la xiriirta sida dowladda federaalka u iibsatay doorashadiilagu doorta Lafta-gareen, oo codka halkii xildhibaanba lagu iibsaday 30 kun oo dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com