Kasbada DOWLADDA iyo fadeexadda PUNTLAND

Puntland Lacag ayaa Dowladdu federalka ugu deeqday dhismaha wadada Boosaaaso. Lacagtan waxaan oran karaa Bam ka weyn, waxay u muuqatay Kasbo ay Dowladdu ku ogaaneyso Xikmadda Madaxda Maamulka & Mowqifka shacab weynaha Puntland. .

Falkan ay Dowladdu deeqda ku bixisay boqol waji oo xun  & ka badan oo wanaag leh ayaa loo dhigi karaa, loona fasari karaa. wajiga qura ee aan qaadanay waa kan dadkii kala dilay, waa kan abuuruay af-lagaado & caay anshax xumo gaarsiisan. waxuu kala dilay Saaxiibo aragtidaa yar isla waayay, waliba dadka qaar waxay dhigteen jaamacdo, qaarkood ayaa heysta shahaadada sare (PHD) waxayna qorayaan afkaar & macno Awoowaha aan Alifka dhigan uusan ku dhiiran karin.

Yaa qaadaya mas,uuliayada xumaantaa leh…??? Yaa Jiilka soo koraya ee raba in ay aduun weynaha wax la qeybsadaan jidka xun & dhiilada aan cimriga laheyn galiyay..?? yaa qiimaha Dowladnimo & macnaha hoggaan dilay oo ku soo dhameeyay fal yar oo looga gudbi karo si degan oo aan jabaq laheyn…???

Inataba waxaa Ma,suul ka ah Hoggaamiyaasha Soomaali….

Dowaldda haddaan xumeyno talaabadeed Maamul ahaan ma saxna. Xoolaha Dowladdu hal mar si sahlan jeebka loogama soo bixiyo. haddi la khaldamo oo Wasiiirku iska soo siiban karo Doolarka Dowladda waxaa jira xeer & Nidaam Lacagta baxeysa u degsan, haddii ay ku socoto Maamul Gobol oo Nidaam ahaan ka baxsan Dowladda dhexe ayaduna waa mid ka sii daran oo hooos tageysa Dastuurka Guud ee Dowladda Federaalka kala hagaya….

Haddiiba ay Dowladdu ku dhiiratay falkaa, maamulka Puntlan falkan si siyaasadeysan uma qeexin. Inta ay abuurtay talaaabada ay qaadeen oo ah in ay Lacagta joojiyaan, Gudigii Wadadana soo xiraan ma aysan abuuri laheyn dhacdadan haddi Maamulka Puntland uu ka aamusi alahaa. Waxaad mooddaa Hoggaamiyaha Soomaali markuu Madaxyahay oo uu Magac weyn wato & waaguuu Caruurtaa ahaa isku si in uu dhacadada ula fal galo. kursiga Madax ee uu hadda fadhiyo & Dugsigii Hoose uu soo dhigtay waxaa kala bara da,da & qaab Labiska bes, laaakin Caqliga & Misaanku waa mid.

Waxaa Madaxda Puntland La gudboonaa in ay arintan qiimeeyaan. haddii la taliyaasha Madaxweyanaha & Xubnaha Golaha Wasiiradu uu dheeh ka galao go,aanka ugu suuban waxay u aheyd in ay la kaashadaan la-taliyaal banaaanka ah, si gaar ah aqoonayahno Siyaasada soo dhigtay, nasiib xumo Falka maamulka Puntland qaaday waxuu feyday garashada Siyaasi & heerka Hoggaan ay madaxdeeenu ka joogaan maaareynta dhacdooyinka xasaradaha abuuri kara… .

Tusaale. Falka madaxda Puntland waxaa taageero badan ku helay Madaxad Dowladda federaalka, oo ayagu buun-buuninta kursiga ku jooga. Dhanka kale Gudiga Dhismaha Wadada Boosaso ayagoo awalba ammaan mudnaa ayaa haddana waxaa magaci & mamuski u sii kordhiyay Xariga & talaabada laga qaaday Lacagta.  intaa waxaa ka daran Buuqa ka soo yeeeray Xildhibaanada qaar oo diiday talaabada Maamulka Puntland ka qaaaday Lacagta Dowladda Federalka. tan oo la dhihi karo waa gogol xaar ah in Riawayadihi ay dhigi jireen Xildhibaanada Muqdisho ay alifaadoodu dib uga bilaabato Garoowe. Intaaas & tusaale ka sii badanba waxaa dhaliyay go,aankakhaldamay ee Madaxda Maamulka Puntland.

Gabagabo. haddaad rabto in aad sawirato dhibaatooyinka Siyaasi ee Soomaaliya & sababaha ay Hoggamiyaasheenu ugu guul dareeysteen in ay maareeyaan Khilaafka Siyaaasi waxaad kor istaagtaa Khilaafkan ay abuurtay Dowladda Federaalka & Talaabada ay qaadeen maamulka Puntland.

Xasilooni Siyaaasi…

W/Q: Mahdi Muse
mahdimuse13@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid