Addis Ababa (Caasimada Online) Warar soo baxay oo la isla dhex marayo ayaa sheegaya shirka Addis Ababa ka socda ay ku biireen ra’iisal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, Cali Maxamed Geed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Raggan afarta ah ayaa la sheegay in uu u yeeray danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nichols Key, kaasoo la sheegay in uu arkay in wax badan ka qaban karaan khilaafka ka dhex taagan DF Somalia iyo Maamulka Axmed Madoobe.
Magaalada Addis Ababa waxaa horrey ugu sunaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, sidoo kale waxaa maanta gaaray Addis Ababa Cali Maxamed Geedi.
Xubnahan Qaswadayaasha ay u bixisay Shabakadda Caasimada Online ayaa qaar ka mid ah la sheegay in ay taageersan yihiin maamulka Axmed Madoobe.
Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Addis Ababa oo ay ku shirayaan xubnaha dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegaya in shirka uu maanta ku sigtay in lagu kala boodo, isla markaana ergada halkaas joogta ay ka soo ambabixi lahayd Addis Ababa, balse ugu dambeyn lagu heshiiyey.
Waddamada Kenya iyo Ethiopia oo dabada ka riixaya shirka Addis Ababa ayaa isku soo dhaweeyay labada dhiac, waxaana ay doonayaan in la isku soo dhawaado.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

