24.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

KASHIFAAD: Dagaal laba afle ah oo ay Faroole iyo beeshiisa ku billaabeen DF iyo shirqoolo xooggan oo socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay dad ku dhow dhow Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegaya in toddobaadkii tagay uu shirar u qabtay qurba joogta Puntland, ee Nairobi, Dubai, Europe iyo Waqooyiga America.

Waxa uu ku war galiyey inuu ku jiro qorshe  laba afle ah oo uu ugu yeeray “Diblomaasiyad” balse ah mid dagaal oo uu ka wado Somalia.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen Caasimada Online, qorshaha Faroole mid ka mid ah waa sidii uu u isticmaali lahaa siyaasadda ( Good cop, bad cop), oo ah inuu dhinacna kala dagaalamo dowladda federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhinaca kalana uu danahiisa ka raadsado.

Faroole, ayaa u sheegay rag iyo dumar  ka tirsan Puntland Forum ee Minneapolis, MN, inuu doonayo inuu dib ugu soo celiyo Wasiirkoodii Koowaad ee Somalia, sida ay aaminsan yihiin reer Puntland.

Faroole waxa uu yiri “Hawiye si wax looga qaato anigaa garanaya, hadda ka horna wixii aan ku sameeyey ra’iisul wasaare Farmaajo waad xusuusataan, yaa Cabdi Weli Gaas  ka dhigay Ra’iisul Wasaare?, Waa aniga , hadda waxaa rabaa inaad garataan in meeshaan Puntland la yiraahdo aniga la ii daayo, Hawiyana aan idinkaga soo dhiciyo Prime Minister, Jubaland-na aad u howl gashaan sidii la isugu xiri lahaa, haddii aad haysataan Puntland iyo Jubbaland iyo ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Sheikh adinkaa xukumaya”.

Faroole waxa uu uu hadalkiisa ku daray “Saacid waanu taageernay sababata ah waa garanaayey inaanuu waxaban qaban karin”

Waxa uu aad ugu dheeraaday in isaga iyo Maxamuud Saleebaan oo ah wasiiirka maaliyadda ay aad isu garanyaan wax badanna ka wada shaqeynayeen Bankigii dhexe ee dowladdii hore ee Somalia, laakiin rag kale oo aanu magacaabin oo reer Puntland ah ay tartanka kula jiraan.

Faroole ayaa wasiirkiisa arrimaha gudaha Gen. Cabdillaahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir” u soo diray dalka Mareykanaka si ugu dhaadhiciyo qorshaha laba aflaha ah ee reer Puntland ay doonayaan inay ku hantiyaan wasiirka koowaad, Puntland, islamarkaana u taageeraan Jubaland, si halkaas looga sii wado halganka beeleysan ee ee Faroole, Cabdi Weli Gaas, Wiilka xagjirka qabiilka Faysal Rooble oo isagu  shirkaas lagu qabtay MN ka qayb galay, todobaadkana ka qayb gali doona mid kale oo lagu kicinayo beelaha Jubband, Garisa, Jigjiga ee waqooyiga America.

Waxaad moodaa in maalimihii ugu danbeeyey Madaxwayne Xasan Sh. Maxamuud uu soo jilcay , kadib markii ay ka badatay wareerka siyaasadeed ee qabaa’ilka Soomaliyeed.

Warar ay Caasimada Online ay ka heshay ilo-xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in Puntland ay taageero ka raadineyso dowlado daris ah ayna ka codsatay in la siiyo wasiirka koowaad si ay ugu soo noqdaan ka mid noqoshada dowlada federaalka ah ee Soomaliyeed.

Labadii toddobaad ee tagay ayaa Faroole waxa uu waqti badan ku bixiyey Nairobi iyo Addis-Ababa, balsema cadda wixii ay dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay ka dhaheen codsigiisa.

Waxaa sidoo kale jira qorshe Faroole oo adeegsanaya xildhibaano lacag doon ah iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Maxamed Geedi ay mar kale ku diyaariyaan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Saacid.

Marka laga tago jagada ra’iisul wasaare doon ee Faroole, waxa uu sidoo kale dagaalkan oo idil u marayaa inuu shacabka Puntland ka dhaadhiciyo inuu yahay qofka kaliya ee Hawiye uga soo qaadi kara xil, si taasi ay uga caawiso in dib loogu doorto madaxweynaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News