Kashifaad: DF oo Denmark la gashay heshiis qarsoodi oo ka dhan ah Soomaalida

Copenhagen (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah kula gashay dowladda Denmark in shaqsiyaad Soomaali ah oo dalka Denmark laga soo masaafurinayo dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Denmark ay sanadkiiba 12 qof oo Soomaali ah dib ugu celiso Soomaaliya, sida uu qoray wargeyskan Politiken, hase yeeshe heshiiskan ayaan si rasmi ah loo shaacin, lagamana hayo wax faahfaahin.

Wasaaradda warfaafinta iyo is-dhexgalka Denmark, ayaa sheegtay in heshiiska Denmark iyo Soomaaliya uu yahay mid sir ah, oo aan wax xog ah laga bixin karin.

“Denmark waxay muddo mas’uuliiinta Soomaaliya kala shaqeyneysay sameynta xiriir muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu masaafurinayo dalkooda. Arrintan waa mid ay dowladda Soomaaliya codsatay inay sir ahaato, sidaas darteed wasaaradda kama hadli karto” ayaa lagu yiri qoraal wasaaradda ay u gudbisay talefishinka TV2.

Dokumenti ay warbaahinta Denmark heleen ayaa ku cad in heshiiska uu dhigayo in Soomaaliya lagu celiyo dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku haysan Denmark.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga Red-Green Alliance (Enhedslisten) ee Denmark, Nikolaj Villumsen ayaa ku baaqay in la caddeeyo nooca heshiiska labada dowladood ay galeen.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com