KASHIFAAD: DFS oo si dadban u bad-baadisay qaar ka mid ahaa ragii weeraray Hoteel-ka M/M

Muqdisho (Caasimada Online) – Abshir Xasan oo ka mid ahaa dadkii xiliga weerarka ku sugnaa Hotel Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ee bad-baaday, ayaa sheegay in indhihiisu uu ku arkay Rag ka tirsanaa Maleeshiyaadkii weerarka saacadaha qaatay ku heystay Dhismaha Hoteelka.

Goobjoogaha waxa uu sheegay in isaga iyo rag kale laga soo saaray dariishadaha Hoteelka, islamarkaana raga la soo badbaadiyay laba kamid ah ay ahaayen Maleeshiyaadka qalqal galiyay Amaanka Hoteelka.

Wuxuu tilmaamay in mid kamid ah ragaasi uu gudaha Hoteelka ku dhar bedeshay islamarkaana ay ishuusu qabatay isagoo dharka kala baxaayo mid kamid ahaa dhalinyaradii ku dhaawacmay weerarka.

Abshir Xassan oo ah Ganacsade Hoteelka laga soo badbaadiyay ayaa waxa uu yiri “Walaalow Maleeshiyadu wey ka badnaayen 5-ruux waxa ay gaarayeen ilaa 8-ruux, waxa ay inta badan xooga saarayeen inay dilaan dadka ka tirsan Dowlada, aniga mid kamid ahaa ragaasi ayaa xabado iga soo daba riday alle ayaa iga badbaadiyay”.

Mar uu ka hadlaayay qaabka qaar kamid ah ragaasi ay uga baxsadeen Hoteelka ayaa waxa uu yiri “Aniga isheydu waxa ay qabatay laba kamid ah ragii weerarka soo qaaday oo kamid noqday dadkii ay badbaadiyeen Ciidamada Dowlada, mid kamid ah waxa uu watay shaati baluug ah oo uu ka siibtay mid dhaawacmay”

Abshir Xassan ayaa sheegay in Ciidamada DF Somalia ee dadaalka muujiyay in looga baahnaa in dadka la soo badbaadiyay ay meel isugu geeyaan sidaana ay ku kala soocaan balse ay taasi aysan dhicin.

Waxa uu ku taliyay in Amaanka Hoteelada, Baararka iyo Goobaha Bulshada loo madax-baneeyo Ciidamada DF Somalia, islamarkaana meesha laga saaro Ilaalada nidaamka qabiilka loogu dhiibay amaanka Hoteelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com