“DF Soomaaliya oo awoodeeda kusoo koobtay xaqiijinta ammaanka Villa SOMALIA oo kaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay weli taagan tahay hadal heynta weeraradii lagula wareegay Hotel Maka Al-mukarama, ayaa waxaa mar kale arrintaasi ka hadlay Mudane ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa sheegay in DF Somalia ay xaqiijinta Amaanka kusoo koobtay Madaxtooyada.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay dayacday waajibaadkii ka saarnaa xaqiijinta Amaanka goobaha ay ku kulmaan Bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ka digay in Laamaha Amaanka ay is moogeysiiyan xaqiiqda jirta.

Waxa uu xildhibaanka sheegay in ugu horeen Milkiilayaasha Hotelka laga doonayo in ay ku dadaalaan sugidda amaanka Hoteeladooda, dowladana laga doonayo in kaalinta dowladnimo ee goobta ka banaan ay ka qaadato.

Mar uu arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Dalka dowlad ayaa ka jirta amniga waxaa ku shaqo leh dowladda maaha in xaqiijinta amaanka lagu koobo Villa Somalia oo kaliya, ninka milkiilaha Hotelka ah qeyb ayuu ka yahay waajibka, waayo iskaashi ayaa lagu wadayaa, laakiinse waajibka waa dowladda maxaa yeelay iyadaa dalka maamusha”

Dhanka kale, hadalka Xildhibaan Caraale ayaa kusoo beegmaaya xili amaanka Magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com