DF Somalia oo shaacisay xiliga & goobta uu ka furmi doono shirka maamulka gobollada dhexe

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka wasaaraha Arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia C/raxmaan Max’ed Xuseen Odaywaa ayaa goordhow ku dhawaaqay xiliga iyo meesha uu ka dhici doono shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka ayaa sheegay in weli uu socdo wada-hadalka kala dhexeeyo Odayaasha Magaalada Dhuusamareeb, waxa uuna tlmaamay in DF Somalia ay iyana wadato qorsho u degsan.

Wasiir Odaywaa ayaa Carabaabay in Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu qabanayo shirkaasi 1-da Bisha April ee nagu soo aadan.

Wasiirka ayaa sheegay in DF Somalia ay iyada leedahay go’aanka Odayaasha Cadaado iyo Dhuusamareebna ay leeyihiin fulinta go’aanadaasi.

Mar uu ka hadlaayay arrintaasi ayaa waxa uu yiri “ Dadaal dheer kadib waxaan rajeyneynaa in dhammaan dadka degan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ay ka wada qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Gobolladaas oo bisha April Cadaado ka furmaya”.

Dhanka kale, waxa uu wasiirku sheegay in Odayaasha kaliya looga baahan yahay inay dhaqan galiyaan go’aanka DF Somalia, islamarkaana ay ku qanacsanaadan goobta shirka uu ka dhacaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com