KASHIFAAD: Puntland oo jebisay heshiiskii lagu gaaray XAMAR ee madasha qaran kadib markii…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa isbedel u gaar ah ku sameeyay qorshihii shirarka wadatashiga qaabka doorashada dalka ee Madasha Qaran ay qoondeysay in laga sameeyo magaalooyinka maamulada dalka ka jira.

Qorshahaas oo lagu diyaariyay shirkii Madashada ee magaalada Muqdisho ayaa loo qoondeeyay in shirarka wadatashiga doorashada lagu qabto magaalooyinka:<

1 – Muqdisho (Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan)

2 – Garowe (Puntland)

3 – Kismaayo (Jubbaland)

4 – Baydhaba (K/Galbeed)

5 – Cadaado (Galmudug)

Waxaana shirarkaasi kharashkooda bixineysa Qaramada Midoobay xafiiskeeda UNPOS, iyadoo shir kasta loo diray wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in dhammaan shirarkii kale ay u dhaceen sidii loogi talogalay, balse degaanada Puntland laga qabanqaabiyay shirar gaaraya lix oo ah in ka badan dhammaan shirarka kale ee dalka oo dhan ka dhacayay, waxaana shirarkaasi ka dhaceen: Garowe, Boosaaso Gaalkacyo, Qardho, Badhan iyo Tukaraq.

Madaxweynaha Puntland ayaa arrinta oo dhan sabab uga dhigay kharash la’aan isagoo sheegay inaysan dhaqaale uga baahneyn Q/Midoobay oo ay iyagu dhaqaalahooda la baxayaan, waxaase u qarsoon arrin kale oo ah in Puntland ay la siman tahay Soomaalida kale oo dhan. Qorshahan oo aan la qarin wuxuu madaxweynaha Puntland sheegay in Puntland aanay la mid ahayn maamulada kale kana kooban tahay 5 Gobol.

Arrintan waxay caddeyn u tahay damaca Puntland ee ahay in ku qeyb noqoto Koonfurta Soomaaliya oo dhan, iyadoo hadda wada olole ah in qaab maamul wax loo qeybsado marka la dhisayo dowladda cusub oo qeyb libaax ay iyadu qaadato, waxaase cad in shirarka ay badsatay aanay waxba saameyn ah ku lahaan doonin qaabka awood qeybsiga mustaqbalka ee kaliya muujineyso hunguri weynida siyaasadeed ee Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com