Daawo Video: Wasiir xil sare kasoo qabtay DF oo shaaca ka qaaday heerka musuq-maasuqa DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa isaga oo ku sugan magaalada Ottawa ee dalka Canada wuxuu ka hadlay marxalada haatan ooku sugan yahay dalka Soomaaliya.

Wasiir Ducaale, ayaa ugu horeyn sheegay in marka loo eego halka uu marayay dalka Soomaaliya  xiliyadii hore uu ka wanaagsan yahay haatan, wallow uu dhaliilay kala socoshada mararka qaar ay sameeyaan madaxda dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay marxaladaha dalka iyo dhaliilaha inta badan loo jeediyo xubnaha sare ee dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in dalka Soomaaliya uu ka hagaagi la yahay musuq maasuq ay sameeyaan madaxda hogaanka heysa.

Wasiir Ducaale Beyle, wuxuu si adag carabka ugu adkeeyay in wadan dhan aysan habooneyn in marar badan oo isku xigta uu kaalmaha koowaad ka galo dhanka musuq maasuqa.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com