Xaqiiqada xad gudubka Kenya oo la shaacinayo

Beledxaawo (Caasimada Online) – Gudigii Xaqiiqo raadinta dowlada Soomaaliya u dirtay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ayaa ka sheegay iney soo ogaadeen xaqiiqo badan oo ku saabsan xad gudubta dowlada Kenya ee degmada Beledxaawo.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah gudiyada difaaca iyo arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay mid kamid ah Idaacada Muqdisho ayaa si wadajir ah u sheegay iney xaqiiqo badan ogaadeen.

Xildhibaan Xuseen Carab, ayaa sheegay iney qorsheynayaan in maanta ay ku dhawaaqaan natiijadii baaritaankii ay u tageen degmada Beledxaawo, kadibna ay ku laabteen degmada Doolow.

“Wax walbaa waan soo ogaanay, wax dhib ahna ma jiraan ma doonayo inaan ka hordhaco waxii aan soo aragnay, waxaan dooneynaa inaan la wadaagno wasiirada iyo baarlamaanka”ayuu yiri xildhibaan Carab Ciise.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa sheegay iney kulamo kala duwan la qaateen maamulka degmada Beledxaawo ayna soo ogaadeen eedeymaha loo jeedinayo dalka Kenya.

Labada xildhibaan ayaa ka gaabsanayay iney faahfaahin dhab ah ka bixiyaan waxyaabaha ay kusoo arkeen dhanka xuduuda, waxayna sheegeen iney Khamiista beri ah la wadaagayaan golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com