Wasiir Kenyan ah oo ku dhowaaqday go’aan si weyn meel ka dhac ugu ah qarannimada Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku adkeysaneyso go’aankeeda ah ineysan ciidamadooda ka saaraan dalka Soomaaliya, kadib soo jeedintii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maalmo ka hor soo saaray qaraar lagu dalbaday in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.

Raychelle Omamo, oo ah xoghayaha wasaarada gaashaandhiga Kenya  ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay sharci ku joogaan gudaha dalka Soomaaliya ayna kamid yihiin ciidamada midowga africa ka socda ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxay sheegtay haweeneydaasi oo BBC la hadleysay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin dalka Soomaaliya ilaa laga xaqiijiyo hadafka ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya sida ay hadalka u dhigtay.

‘’Kenya waxay qeyb ka tahay Amisom waxayna ku shaqeysaa shuruucda Amisom iyo weliba aragtida hawlgalka ciidamada Amisom, Soomaaliya iskama joogno waxaan halkaas u joognaa midowga Africa iyo beesha caalamka kuwaas oo taageeraya dadaalkeena ku aadan sidii loo dejin lahaa dalka Soomaaliya:

“Waxaan is leeyahay xaaladaaan oo kale waxaa jira kara dhacdooyin siyaasiyiintu waxay yiraahdaan kan kaas iyo waxtaabo laakiin muhiimaddu waxay tahay inaan xoogga saarno xasiloonida dalka iyo inaan diiradda saarno dagaalkan wanaagsan ee hadda aan ka wadno Soomaaliya, waxaan sii ahaan doonnaa Amisom illaa Amisom ay ku guuleysato hadafkeeda.” ayeey tiri Rijel Umamo

Hadalka ayaa u muuqanaya mid sii adkeynaya go’aanka dowlada Kenya ee ku adaan ineysan ciidamadeeda ka saareynin dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com