XOG: Axmed Madoobe oo si farsameysan isaga leexiyey tuhunka xadka Soomaaliya ee laga qabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Amar kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu amray tirro Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka kuwaasi oo xaqiijin doona masaafada ay Dowlada Kenya kusoo durugtay Xadka Somalia.

Wafdigaani ku baxay amarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadda ku sugan magaalada Doolow, waxa ayna gaari doonaan magaalada Beledxaawo halkaas oo laga soo sheegayo in Kenya kusoo durugtay xuduuda Somalia.

Wafdigaani ka socda Maamulka Jubbaland ayaa waxaa hogaaminaayo wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha iyo amniga Maamul Jubba Cabdirashiid Xuseen ‘’Cabdijanan’’ waxaana kamid ah Xildhibaano, Jeneraal Saxardiid iyo xubno kale.

Wafdigaasi ayaa waxaa looga fadhiyaa inay xog iyo macluumaad sax ah kasoo bixiyaan xaqiiqda ka jirta xadka iyo wararka sheegaya in Kenya kusoo durugtay xuduudka Somalia.

Dhinaca kale, Maamulka Jubbaland oo Siyaasad ahaan adeecsan Dowlada Kenya ayaan waxba u arag dhul ballaarsiga ay wado Dowlada Kenya waxa ayna mar waliba isku dayeysaa in DFS ay ka dhaadhiciso in waxkama jiraan uu yahay wararka sheegaya in Kenya ay kusoo durugtay Xadka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com