Sawiro cusub: Brussels oo isku bedeshay Askar iyo Eeyo wada socda kadib markay soo baxeen..

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Bilgumka ayaa qalqal galisay shacabka ku nool dalkaasi kadib markii Kumanaan ciidan ah ay banaanka usoo saartay kuwaasi oo fursad loo siiyay maalmo gudahooda inay kusoo qabtaan Jihaadistaha cusub ee lagu magacaabo Abdeslam Salah oo da’diisa lagu sheegay 26.

Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Bilgumka ayaa aaminsan in Jihaadiistahaani cusub uu ku dhex jiro gudaha caasimadda Brussels Muddo Asbuuc ahna Sirdoonka iyo Booliska loo qabtay inay gacanta Dowlada kusoo galiyaan.

Baadi-goobka Jihaadiiste Abdeslam Salah waxaa ka qeybqaadanaya Boqolaal gaadiid dagaal, Eeyo iyo Kumanaan Ciidan.

Baadi-goobka xoogiisa ayaa waxa uu hadda ka socdaa caasimadda Brussels waxaana hawada dalkaasi dul heehaabayo diyaarado dagaal.
1

2

3

4

5

6

7

9

10

11
brusselpolice1
13

14

15

16