Siilaanyo oo muujiyay midnimada Somaliweyn

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si aan looga bartay geeridii ku timid Wariye Axmed Xasan Cowke oo xalay ku geeriyooday degmada Jig Jiga ee xarunta maamulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Axmed Maxamed Siilaanyo madaxweynaha maamulka Somaliland oo ka hadlay geeridii ku timid Wariye Cowke, ayaa sheegay in Wariye Cowke uu ka geeriyooda ummada Soomaaliyeed oo kaliya uusan ka geeriyoon shacabka Somaliland.

Axmed Siilaany, ayaa sheegay in Cowke uu ahaa wariye Soomaaliyeed ayna ka wada naxeen shacabka Soomaaliyeed markii ay maqleen geerida wariye Axmed Xasan Cowke.

Dhanka dowlada Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida Axmed Xasan Cowke,oo kasoo shaqeeyay warbahinta qaranka Soomaaliya ahaana afhayeenkii dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tacsi u diray ehelka qaraabada iyo caruurtii uu ka geeriyoday

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com