Yaa masuul ka ah in Kenya damacdo dhulkeena?

Dowladda Kenya, ayaa waayadan la soo baxday damac waalan oo ku aadan boobka dhulka iyo badda Soomaaliya, Waxaana damacaasi waalan u danbeeyey mid ay doonaysay in ay ku badasho astaanta xuduud-beenaadda u dhaxaysa labada dal, gaar ahaan inta u dhaxaysa magaalooyinka B/xaawo iyo Mandheera, halkaasi oo uu ka bilowdo xuduud-bariyeedda aan la isku waafaqsaneyn ee u dhaxaysa labada dal. Dhul boobkan cusub, ayaa imaanayo xilli uu horay u taagnaa muran xagga badda ah oo u dhaxeeyey labada dal, ka dib markii ay Kenya sheegtay qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya.

Hadaba yaa masuul ka ah damac-waaliyeedkan ku dhacay Dowladdan miskiinta ah, Yaase u fududeeyey boobka ay ku hayso dalkeena ? Anigu, Shaqsiyan waxa ay ila tahay markaan dhinacyo badan wax ka eegay, gaar waxyaabihii dhacayey dhowrkii sano ee la soo dhaafay, in ay arinkaasi masuul ka yihiin Siyaasiyiin Soomaali ah oo isugu jira kuwa ka soo jeeda dhulka Jamhuuriyadda iyo waliba kuwa kale oo ka soo jeeda gobolka NFD ee ay Kenya xoogga kaga hasato Umadda Soomaaliyeed.

Sidan soo tilmaamayba, Damac-waaliyeedka ku dhacay Dowladda Kenya waxaa sabab u ah Siyaasiyiin Soomaali ah oo xilal ka kala hayo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Kuwaasi oo fududeeyey, haatanna mar kale fududeynayo dhulboobka socda. Tusaale ahaan, haddaan isweyddino yaa Kenya u fududeeyey in ay sheegato qeyb ka mid ah dhul-badeedkeena ? Jawaabtu waxa ay noqoneysaa waxaa fududeeyey waa Siyaasiyiin Soomaali. Yaa hadda mar kale fududeynayo, islamarkaana difaacayo xadgudubyada wax looga badalayo xuduud-beenaaddii ? waa isla Siyaasiyiintii Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed, ayaa isweydiiya sababta ku qasbi karta qof Soomaali ah in uu ogolaado in la boobo dhulkiisa, oo hadana ay boobayaan kuwii shalay horay u haystay dhul iyo dad Soomaaliyeed, Islamarkaana sababta u ahaa burburkii ku dhacay Qarankeenii xoogga badnaa. Waxa ay sidoo kale dadku isweydiiyaan sababta ku xanbaari karta Soomaalida ku hoos nool gumeysiga Kenya in ay u ololeeyaan, Islamarkaana raali ku noqdaan boobka ay Kenya ku hayso dhulkii xorta ahaa, Iyagoo waliba mar u halgami jiray in la mideeyo dhulkii Soomaaliweyn.

Tusaale ahaan, Maxaa ku qasbi kara Aadan Barre Ducaale,Yuusuf Xaaji, Faarax Macalin iyo kuwa la midka ah, Iyagoo og wixii ka dhacay Gaarisa iyo Wajeer in ay ogolaadaan in ciidamo Kenyaati ah ay gudaha u soo galaan Soomaaliya, Iyagoo aan waliba ogolaansho ka haysanin ciidamadaasi dowladdii waagaasi jirtay ? Maxaase Ku xanbaari kara Aadan Barre Ducaale in uu si cad u sheego, bal in uu difaaco damaca ay Kenya ku doonaysay in ay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubooyink kaga dhisto wax ay ku sheegtay Buffer Zone (maamul sarsaar ah) Iyada hoosyimaada sida hadaba dhacday.

Mar kale, Maxaa ku qasbi kara kuwa maanta xilalka ka hayo Soomaaliya ee sheeganayo magacyada beenta ah, in ay ka hadli waayaan dhulboobka ku socda dalkooda ? Maxayse uga dhiidhin la’yihiin xadgudubyada lagu hayo dhulkooda iyo baddooda ? Yeyse u dhaarteen nimankan ? Ma shacabka Soomaaliyeed mise shacabka Kenya iyo Itoobiya ? Mise nimanku ma’ahan niman kala garanayo dalkooda iyo dalalka kale. Tan kale, Nimanku ma garanayaan horta ciqaata uu leeyahay qofka khaai’inu wadanka ah ?

Dhamaan wixii xadgudub ah oo dhacay, iyo kuwa hadda dhacayoba, Waxaa masuul ka ah guud ahaan siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka soo jeedda Beeshayda DAAROOD. Tusaale ahaan, haddaad aragto shan nin oo Soomaali oo kabo-qaadyo ah, Islamarkaana fulinayo ujeedooyinka guracan ee Itoobiya iyo Kenya ay ka leeyhiin Soomaaliya sadex ka mid ah shantaasi nin waxa laga yaabaa in ay noqdaan Beesha Daarood. Tusaale kale oo fog, Yaa hormuud u ahaa dhibaatooyinkii ka dhacay dalkan ? Yaa kiciyey dadkii Soomaaliyeed ee aamusnaa ? Yey ahaayeen kuwiii u horeeyey ee u gala Xabasho, Iyagoo la dagaalamayo Qaran Soomaaliyeed ?

Yey ahaayeen kuwii Amxaaro soo geliyey gobolka Gedo 1996 ? Yey ahaayeen kuwii horkacayey ciidamadii Itoobiya ee ilaa Muqisho yimid, ee badalay taariikhii dhextiilay Soomaaliya iyo Itoobiya ? Yey ahaayeen kuwii soo horkacay ciidamada Kenya ee sida sharcidarada ah ku soo galay dalka ? Yey ahaayeen kuwii difaacayey markii laga buuqay ciidamadaasi ? Yaa maanta horboodayo federaalismkan khabiithka ah, ee dadka lagu kala qeybinayo ? Yaa maanta difaacayo xadgudubyadan ka socda xuduudda ? Yaa Itoobiya u xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Soomaali Galbeed ? Ma waysan ahayn Siyaasiyiin Daarood ah.

Dhamaan waxyaabihii aan soo tilmaanay, Waxaa hormuud u ahaa waa Siyaasiyiinta Beesha Daarood, inkasta oo ay la socdeen Siyaasiyiin beelo kale ah. Bal fiiriya habdhaqanka Siyaasiyiinta Beesha Daarood ee xilalka ka haya Dowladda Kenya. Bal Is-barbardhiga Iyaga iyo kuwa kale ee ka soo jeeda beelaha kale sida Garre iyo Digoodiya oo kale. Maxaa kuu soo baxay ? Mase u fiirastay marka ay ka hadlayaan Siyaasiyiintaasi Warbaahinta Soomaalida iyo midda Kenyaatiga. Yaa u xagliya danaha dadka Soomaalida iyo Soomaaliyaba ?

Marka aad u fiirsato habdhaqanka Siyaasiyiinta Beesha Daarood, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in ay disaster (qatar) ku yihiin jiritaanka dadka Soomaalida iyo dalkooda, Waxaa sidoo kale kuu soo baxaysa in xukun jacelkooda uu sabab yahay damaca waalan ee Dowladahan Dariska ah. Bal fiiriya, Yaa horsocda Itoobiya iyo Kenya ? Yaa amray in la saxiixo is-fahamkii abuuray in la sheegto baddeena ? Yaa ka dhex shaqeysta maamulada Somaliland, Buntland iyo Khaatumo ? Maanta waa Somalilander, Berri waa Buntlander, Beri danbana waa Khaatumolander. Ceeb badanaa !!

Maalin dhexdaasi, Waxaa Garbahaaray ka dhacday xaflad ay soo qabanqaabiyeen Siyaasiyiin Daarood ah, oo u dabaaldagayey maalinta calanka Itoobiya, Iyagoo waliba ku faraxsan, halka meel aan sidaasi uga fogayna uu ku aasan yahay Alaha u naxariistee Gen. Maxamed Siyaad Barre, oo runtii halgan dheer soo u galay sidii Xabashida looga difaaci lahaa dhulka Soomaaliyeed. War arintaasi miyeysan bahdil iyo foolxumo ku ahayn Generalka iyo halgankiisii dheeraa? Nacam, Bal waxay ay sidoo kale bahdil iyo foolxumo ku tahay Beesha SADE.

Siyaasiyiinta Daarood oo kaliya ma’ahan kuwa dhibaatada ku hayo Umadda Soomaaliyeed, Bal waxaa jira kuwa kale oo Iyagana ka soo jeeda beelaha Isaaqa iyo Hawiyaha, Kuwaasi oo Iyagana dowr weyn ku leh dhibaatada maanta taagan, balse waxaan aaminsanahay in la kala daran yahay. Markan wax ku cabirno xisaabta boqoleyda ah, Waxaan runtii oran karnaa dhibaatada maanta ka taagan Soomaaliya 70% waxaa masuul ka ah Siyaasiyiinta ka soo jeedda Beeshayda, Waa markaan ka waramayno xaqiiqda jirta haba la igu diidee.

Markan hadalka soo uruuriyo, Siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beesha Daarood, ayaa masuul ka ah damaca waalan ee ay la soo baxeen Dowladahan Dariska ah. maxaa yeelay Iyaga ayaa had iyo jeer u taga, Iyaga ayaana had iyo jeer hoos-orda, Waana sababtaasi sababta keeneysa in Dowladahaasi ay hamiyaan qabsashada dalka bad iyo berriba. Maxaad ku sameyn lahayd Adiga haddii cadawgaagu uu kuu muujiyo jileeciisa iyo sida uu u talo xun yahay ? Maxaadse ku sameyn lahayd oo kale inaad sii burburiso mooyaanee ?

Gabagabdii iyo gunaanudkii, waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr oo aan isleeyahay waxa ay xal u yihiin dhibaatada ay dalka ku hayaan Siyaasiyiinyta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beeshayda Daarood Ismaaciil, Waxaana talooyinkaasi ka mid kuwa soo socda:-

1-In Soomaaliweyn ay ka hortagto dhibaatooyinka ka dhalan kara damaca waalan ee xukundoonka ee ay la soo baxeen Siyaasiyiinta Beesha Daarood, Oo aad mooddo in ay u soo kabogashadeen iibinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2-In Waxgaradka Beeshaasi oo aan Aniguba ka mid ahay ay ka hortagaan dhibaatada ka soo socota nimankaasi, Si loo badbaadiyo sharafta iyo taariikhda wanaagsan ee ay Beeshu ku dhexleedahay Bulsho-weynta Soomaaliyeed.

3-In beelaha kale ee Soomaaliyeed aysan dalka ku fiirsanin nimankan badalmay ee uu xukunku indho-tiray, Islamarkaana aan kala aqoonin cadowga iyo walaalka, si loo badbaadiyo jiritaanka dalka iyo xuduudihiisa.

Xusuusin: Waxaan qormadayda danbe kaga hadli doonaa saamaynta xun ee uu yeelan doona darbigan baas xitta marka laga dhiso xuduud-beenaaddii hore ( fadlan la soco qormadaasi)

W/Q: Cabdulaahi Gumeysi-diid
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com