Dhacdo UGUB ah oo ka dhacday MUQDISHO.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani ayaa waxa ay ka dhacday Degmada Yaaqshid gaar ahaan laanta Heegan ee degmadaas, kadib markii haweeney kamid ah dadka Degmada ay halkaasi ku gowracday ninkii qabay.

Dadka dariska ayaa sheegay inay maqlayeen aadaarka ama qeylada ninkaasi goortii ay ku baxeena ay u tageen ninka oo Meyd ah iyo Xaaskiisa oo gacanta ku sidatay toorey/mindi dhiig leh.

Gowraca ninkaasi ayaa yimid kadib markii isaga iyo xaaskiisa uu ka dhexeeyay Khilaaf kaasi oo markii danbe sababay gowraca ninkaasi.

Falka gowraca kadib ayaa waxaa gacanta lagu dhigay haweeneydii falkaasi gowraca ahaa geysatay waxaana iminka lagu xiray Saldhiga Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Haweeneyda sida arxan darida ah u gowracday ninkeeda ayaa waxa ay dhashay 2 Caruur sida dariska ay xaqijiyeen.

Dhacdadaani ayaa bilihii ugu danbeysay caado ka noqotay magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi imaaneysaa xili ay muqdisho ka jirto duruufo shaqo la’aan taasi oo sabab u ah waxyeelada noocaani ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com