Xog: Xasan Sheekh iyo CCC oo dacwad culus u gudbiyay beesha caalamka (Yaa laga gudbiyay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ay dacwad culus u gudbiyeen xarumaha wakiilada Beesha Caalamka ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Dacwadaani ayaa waxaa lasoo warinayaa in laga gudbiyay Dowlada Kenya oo iyadu caado ka dhigatay boobka dhulka Somalia ee dhaca xadka kala qeybiya labada dal.

Dacwadaani ayaa waxaa si wada jir ah u saxiixay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar, waxa uuna ujeedkoodu yahay in wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay isha ku hayaan faragalinta ay Kenya ku heyso Somalia.

Waxa ay labada mas’uul si wada jir ah u dalbadeen in Beesha caalamka ay wax ka qabato talaabooyinka ay Kenya wado, iyagoo labada mas’uul ay ku taliyeen in dacwada wax laga qabto inta ay goori goor tahay haddii jawaab laga bixin waayana ay Kenya dusha saran doonto wixii meeshaasi ka dhaca.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa aad uga careysan xishood darida Kenya waxa ayna ku goodiyeen in DFS ay qaadi doonto talaabo kasta oo ay ku difaacaneyso dhulkeeda.

Lama garankaro jawaabta kasoo bixi doonta Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, inkastoo dhankooda ay ka cadeeyen in Kenya ay wado xadgudub aan afka laga qabsan Karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com