Wasiiro iyo xildhibaano ku baxay xadka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Belad Xaawo u socdaalay wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee DFS kuwaasi oo u jeedkooda uu yahay inay soo indha in dheeyan Darbiga laga dhisaayo xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya.

Wafdigaani ayaa waxaa horkacaayo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federalka Somalia C/qaadir Sheekh Cali Diini, waxaana lagu wadaa in war cad ay ka keenaan xaalada dhabta ah ee ka jirta xadka Somalia iyo Kenya.

Wafdiga ayaa waxa inta ay halkaasi joogan kulamo kula qaadan doonaan Saraakiisha Ciidamada Kenya ee xadka iyo Masuuliyiin ka socda Dowlada Kenya oo iyaguna halkaasi soo gaaraya.

Waxaa wafdiga u badan Xildhibaanada ka tirsan labada gudi ee Arrimaha Dibadda iyo Gudaha BFS oo iyagu wada qorshaha looga hortagaayo faragalinta Kenya ay wado.

Dowlada Kenya ayaa ku adkeysaneyso inaysan sameyn wax faragalin ah, balse ay dooneyso inay dhisato qeybteeda, waxaana taasi beeniyay Xildhibaanada BFS.

BFS ayaa dhawaan soo saaray qaraar ka dhan ah Dowladda Kenya, kadib markii ay soo baxeen warar la xiriira in Kenya ay ku soo durugtay dhulka Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com