Dhageyso: Faroole oo jeediyey digniin 2016 ah

Garowe (Caasimada Online)- Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, oo saxaafada kula hadlay magaalada Garowe ayaa ka hadlay qorshayaasha shirar ee looga hadlay nooca doorasho ee ka dhici karta sanadka soo socda Soomaaliya.

Shirkiisa Jaraa’id oo ka koobnaa 14 daqiiqo ayuu ka hadlay xogo badan oo shacabka ka qarsan kuna saabsan dabinada beesha caalamka iyo safiirada ku sugan Soomaaliya u dhigayaan shacabka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Faroole, ayaa ka digay in nidaamka 4.5 lagu soo dhisay dowlada soo socota sanadka 2016 oo dalka ka hanaqaadeyso, isagoo ku dhaliilay nidaamkaasi in Soomaalida uu u kala saaray qaab qabaa’ileed.

Wuxuu si cad u sheegay in beesha caalamka ay diyaariyeen dabino la doonayo in waqtiga looga lumiyo dadka iyo dalka Soomaaliya, isagoo tusaalo usoo qaatay sababta dhismihii Galmudug markii hore loogu dari waayay Ahlu sunna.

Sidoo kale sababaha dib u dhaca u keenaya dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayuu ku sheegay iney qiyaano la doonayo in waqtiga looga dhumiyo shacabka Soomaaliyeed, lana diyaarinayo sidii loo dhabar jibin lahaa dhismaha maamulkaasi.

Hoos ka dhageyso shirkiisa Jaraa’id.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com