Wariye AXMED XASAN CAWKE oo geeriyooday

Hargeysa (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Jigjiga ku geeriyooday wariye Axmed Xasan Cowke oo ka tirsanaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da kana soo shaqeeyay warbaahinta afka Soomaaaliga ku hadasha.

Cowke, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa gayiga Soomaaliya, waxaana uu muddo badan la shaqeeyay VOA, BBC, Universal iyo warbaahino kale oo caalami ah.

Gabadha la dhalatay Axmed Cowke oo la hadashay BBC ayaa xaqiijisay geerida walaalkeed, waxayna sheegtay in wadnaha laga qabtay uuna ku dhintay magaalada Jig jiga.

Waxay sheegtay Canab in walaakeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telifoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanaayo , kadibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday .

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka soomaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .

Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi raajicuun.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com