Wafdi balaaran oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sabtidii gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo la fidiyay Gogol loogu sameynayo Maamul Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Sodomeeyo Xildhibaan oo uu horkacayo horkacaaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray Magaaalo Madaxda Gobolka Baay.
Sharif Xasan iyo Xildhibaanada kale ee la socdo, ayaa waxaa loo galbiyay Hotel Bakin, iyadoo Ciidamada DFS iyo AMISOM ay Amaanka Baydhobo si weyn u adkeeyeen.
Sidoo kale, Baydhabo hadda waxaa ku sugan Odayaal, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Haween ka kala yimid Gobolada Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo lagu casumay inay ka qeybgalaan Shirkan maamulka lagu sameynayo “Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya”.
Shirqoolka Madaxtooyada Muqdisho
Xasan Sheekh, Faarax C/qaadir iyo hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa aad uga soo horjeeda, waxeyna ku mideysan yihiin Walwalka ka imaan doona dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Waxeyna ka walwalsanyihiin Shirku soo dhaweyn iyo Taageerada Siyaasaddeed uu ka helay Shacab-weynaha Degaanka Goboladaasi.
Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Xulufadiisa aan kor kusoo sheegnay iyo Sharif Xasan Sheikh Aadan, ayaa waxaa dhexmaray Heshiis Xulufeysi ah sidii loo Fashilin lahaa Maamulkaas, oo ay u arkaan in uu Qatar ku yahay Heshiiskii ay ku Aqoonsadeen Maamulka Axmed Madoobe.
Sharif Xasan Sheikh Aadan, Madaxweyne Xasan iyo Faarax C/qaadir waxey hore u galeen Heshiis, Heshiskaas oo ahaa in 45 Xildhibaan oo Digil iyo Mirifle ah iyo 37 oo isugu jira Beesha Hawiye iyo Beesha Shanaad ay ridaan RW Saacid, kadibnah markii Qorshaas hirgallo Shariif Xasan loo dhoo-dhoobo Maamulka ka kooban 3 Gobol kaliya (Baay, Sh/hoose iyo Bakool) oo uu Asagu Madaxweyne ka yahay.
Kadib markii uu Shariif Xasan fuliyay wixii lagu balamay, ayaa Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir waxay wadaan “Qorshe” ay ku taageerayaan Shariif Xasan, laguna Fashilinayo Shirweynaha hadda ka socda Magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo Maamul Goboleedka ka kooban Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku wajahan Baydhobo
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hada ku sugan Aqoonyahan, Cuqaaal, Culumaa’ul Diin iskaga yimid darfaha Adduunka.
Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo waxaa ka soconeysa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxaa Safarkiisa Baydhaba waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Sheekh Aden Madoobe oo hada ku sugan magaalada Baydhaba ee Xarunta gobalka Baay.
Si kastaba, Gudomiye Jawaari ayaa waxa uu ahaa qaban qaabiyaha Maamulkan la dhisayo, isaga oo ku baaqay dhamaan Odayaasha qaban qaabinayo Shirkaan in ay dadajiyaan.
Shirka Baydhobo, ayaa waxaa la doonayaa in Maamul Goboleed loogu sameeyo 6 Gobolka oo ku yaalla Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo 3 kamid ah, Gedo, Jubadda Hoose iyo Jubadda Dhexe horey loogu sameeyay Maamul KMG ah oo DFS ay aqoonsatay.
Isha: KON