28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Nicholas Kay oo beddelay mowqifkiisa taageerayna mooshinka CABDI WELI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa beddelay mowqifkiisii hore ee uu ku diidanaa mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Kay ayaa sheegay maanta in iminka uu soo dhoweynayo go’aanka gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ee ah in mooshinka laaga doodo talaadada soo socota.

Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey heshiiska ay wada qaateen dhinacyada xildhibaanada ee kala taabacsanaa ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Soomaaliya si loo dhameeyo muranka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Kay wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalka ay ugaleen gudoonka Baarlamaanka sidii xal looga gaari lahaa khilaafka madaxda dowladda ee saamaynta ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka oo ay ugu dambayn ku guuleysteen.

Waxa uu rajo ka muujiyey kulamada Baarlamaanka ee Talaadada furmaya oo uu sheegay in uu rajaynayo sidii lagu yaqaanay baarlamaan in ay u guda galaan shaqadooda, islamarkaana go’aan ka gaaraan jiritaanka xukuumadda Cabdi Weli.

Maalintii shalay gudoonka baarlamaanka waxaa ka soo baxay war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen dhamaynta khilaafka xildhibaanada iyo guda galka mooshinka xukuumada C/wali laga keenay oo doodiisa la bilaabayo maalita Talaadada.

Nicholas Kay, ayaa markii uu bilowday khilaafka madaxda Soomaalida aflagaadeeyey xildhibaanada baarlamanka, kana soo horjeestay mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News