KAY oo kusoo fashilmay qorshihiisa CADAADO

Cadaado (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayay ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo shalay booqday degmada Cadaado ayaa dib uga laabtay iyadoo ay suuragal noqon weyday in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe la furo, xilli uu doonayay inuu furitaanka shirkaasi ka qeyb galo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaalad adag kasoo food saartay wadahadal uu kula jiray saxiixayaasha ku sugan Cadaado ee Ximan & Xeeb, Galmudug iyo Ahlu sunna ayaa diiday in la furo shirka inta la isla meel dhigayo arrinta magacaabidda caasimadda Gobolada dhexe ee madaxweynaha uga dhawaaqay Dhuusamareeb.

Shir gaar ah oo ergeyga Qaramada Midoobay la qaatay saddexda kooxood ayaa fashil ku dhammaaday kadib markii ay saddex dhinac ee Ximan & Xeeb, Galmudug iyo Ahlu sunna diideen in waanwaantii uu soo jeediyay Mr. Kay ee ahayd in marka hore shirka la furo kadibna laga wadahadlo wixii la isku diidan yahay. Saddexda dhinac ee isku baheystay Cadaado ayaa ergeyga Q/Midoobay u jeediyay inuu faraha kala baxo arrinta dhex taalla iyaga iyo madaxwynaha.

Markii uu fashilay shirkii Nicholas Kay iyo dhinaca Ximan & Xeeb, Galmudug iyo Ahlu sunna ayaa shir kale waxaa qaatay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Nicholas Kay oo ugu danbeyntii keentay in wafdigii UN-ka ay ka tagaan Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com