XASAN SHEEKH: DF fursada ay siisay Cadaado iyo Dhuusamareeb mar kale masoo mari doonto

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu la daaladhacaayo qancinta Odayaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb, ayaa waxaa hadana muuqaneyso in Xassan uu ka quusanaayo xalinta Khilaafyadaasi.

Madaxweyne Xasan oo habeenkii labaad ku hoyday degmada Cadaado, isagoo isku dayaya inuu xal u helo is-mari-waaga weli taagan, si furitaanka shirka uusan dib uga dhicin maalinta labaad.

Madaxweyne Xassan oo weli ku guda jiro xal ka gaarista Khilaafyada labada dhinac, ayaa labada dhinac ku wargaliyay inay ka faa’iideystaan fursada ay siineyso DF Somalia, waxa uuna carabka ku adkeeyay in labada dhinac aysan dib u arki doonin fursada taagan, waa hadii ay kusii adkeystaan.

Hadalka Madaxweyne Xassan ayaa laga dheehan karaa in xaalka uu yahay mid aan cago wanaagsan ku taagneyn, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Madaxweyne Xassan uu Habeenimadii xalay shirka uga baxay Odayaal ka kala socday Cadaado iyo Dhuusamareeb, kadib markii uu Xassan ku jahwareeray ficiltanka ka dhexeeya labada dhinac.

Mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ayaa weli ku adkeysanaya in caasimadda aanu xaq u lahayn madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh inuu ku dhawaaqo ayna tahay inay ka gaaraan go’aan ergooyinka ku shiraya Cadaado.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulammada degmada Cadaado ku dhex-maraya madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiinta maamulka Cadaado, iyadoo kulammadan aan la isku af-garan ay socdeen tan iyo markii uu madaxweynuhu gaaray degmadaas.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com