SIYAASI caan ah oo shaaca ka qaaday in DHUL MUQDISHO uu ku lee yahay xoog looga haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Maamulka Gobolka Banaadir uu dhawaan ka shanqariyay in dib u celin uu ku sameyn doono boosaska la kala heysto, ayaa waxaa hadana soo baxaayo dhaliilo ay jeedinayaan dad sheegnaya in xooga looga heysto dhulkooda.

Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade waxaa uu kamid yahay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in awood loogu sheegtay dhul uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga waxa uu sheegay in booskaasi uu Magaaladda Muqdisho ka iibsaday Sanadii 1970 balse uusan weli ku nacfin, kadib markii loo awood sheegtay.

Wuxuu sheegay in dhulkaasi uu dadaal badan u galay sidii loogu soo celin lahaa islamarkaana ay u Saxiixday Maxkamada sare iyo Wasaarada hawlaha guud hase ahaatee uu hor istaagay Mas’uul ka tirsan Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho oo uusan xusin magaciisa.

DF Somalia, ayuu ugu baaqay inay il gaar ah ku eegto dadka xooga looga heysto dhulkooda oo uu isaga kamid yahay, waxa uuna carabka ku dhuftay in caqabada ugu badan ay ka taagan tahay dhanka Dowlada Hoose, xalkeeduna uu yahay Cadaalada.

Geesta kale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayuu ugu baaqay inuu ka dhabeeyo go’aankii ahaa inuu si cadaalad ah ku kala saari doono dadka laga heysto boosaska iyo kuwa heysta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com