“XASAN SH. waxa uu kala faquuqayaa beelaha”

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane ka tirsan BF Somalia, ayaa aad u dhaliilay siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Cabdullahi Aadan oo kamid ah Mudanayaasha ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uu mugdi sii galinaayo horumarka Somalia, kadib markii uu ku dhaliilay inuu kala geynaayo Beelaha soomaalida ee walaalaha ah.

Waxa uu sheegay in go’aanka uu ku dhisaayo Maamulka G/Dhexe, ay tahay mid hada iyo bilow lagu sii kala geynaayo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna farta ku fiiqay in ilaa iyo iminka uu ku mashquulsan yahay kaliya qancinta hal beel, hayeeshee ay intaa kusii darsadeen Khilaaf.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay in qancinta beeshaasi ay uur ku taalo ku abuureyso beelaha kale, bacdamaa uu sheegay in wakhtigiis badi uu ku dhumiyay tagista Cadaado iyo Dhuusamareeb.

“Fakir ahaan waxaa ii muuqaneysa in Xasan uu sii qasaayo dhaqanka ka dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed, safarada uu ku bixinaayo Cadaado inta uu xilka hayo kuma uusan bixin gobolada dalka, taasi waxa ay abuureysaa caqabado hor leh”

“Waxa uu ka dhamaan la’ yahay qancinta hal beel, aragti ahaan waxaan oran lahaa kalsooni hasiiyo beelaha kale ee dega halkaasi, waayo siyaasadii laga lahaa Maamulka waxa uu kusoo koobay halkaasi beel”

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Madaxweyne Xassan uu ka talaabo sharciyada dalka, waxa uuna ku taliyay in maamulkaasi la dhiso goortii ay soo heshiiyaan Odayaasha is heysta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com