Keating iyo Kheyre oo ka wada hadlay qaabka ay noqon doonaan wasiirada lasoo magacaabayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Micheal Keating oo ah Danjiraha Qaramada Madoobey ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay Guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha cusub.

Keating ayaa markii ugu horreysay kulan muhiim ah la qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre wuxuuna kulankaas ka dhacay Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya waxayna ka wada hadleyn qaabka ugu fudud ee uu Ra;’isulwasaaraha uga gudbi karo caqabadaha hor taagan oo ay ugu horreyso magacaabista golaha wasiirada waxayna isku af garteen in la qanciyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed sidoo kale lasoo magacaabo wasiiro tayo.

Dhanka kale Keating iyo Kheyre ayaa ka wada hadlay sidii loola tacaali lahaa abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliya wuxuuna ballan qaaday inuu Hey’adaha gargaarka cadaadis ku saari doono sidii dadkaas wax loogu qaban lahaa.

Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa ballan qaaday in shaqada ugu horreyso ay dowladiisa qaban doonto ay noqneyso la tacaalidda dadka ay abaartaas saameysay.

Sidoo kale Keating ayaa booqasho ku tagay xarunta cusub ee Aqalka sare oo ay dhistay dowladda Turkiga wuxuuna kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeenkiisa.

Labada mas’uul ayaa isku soo hadal qaaday howlaha adage ee horyaalka aqalka odayaasha Soomaaliya iyo sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka ka saaran umadda,  ugu dambeyntii Keating ayaa ku qancay shaqada wanaagsan ee ka socotay xaruntaas.

Keating ayaa waday maalmihii ugu dambeeyey kulamo uu la yeelanayo madaxda dowladda wuxuuna shalay ka kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Frmaajo iyagoo ka wada hadlay arrimaha abaarta, xaajinta wada shaqeynta dowladda Goboleedyada iyo amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com