Sawirro: Keating oo ciidan aan Soomaali ahayn bilad ku siiyey…

Muqdisho (Caasimada Online)- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Kaeting ayaa bilado ku taxay ciidamo ka socdo dalka Uganda kuwaasi oo sanad jirsaday joogitaankooda Soomaaliya.

Ciidamada ka socdo dalka Uganda ayaa ah ciidamo gaar ah oo ilaalo ka ah xafiisyada UN-ka ee magaalada Muqdisho, waxayna ka amar qaataan saraakiisha qaramada midoobay ee ku sugan Muqdisho.

Micheal Keating ayaa bilado ku taxay dhamaan ciidamadan, waxaana ay muujineysaa iney niyad jab ku noqoneyso ciidamada qaranka ee ku sugan kuwaasi oo wax bilado ah aanan ka helin Qaramada Midoobay.

Wakiilka UNSOM ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu dhawaan tagi doono magaalada Kampala ee dalka Uganda, islamarkaana uumadaxweynaha iyo siyaasiyiinta dalkaasi u sheegi doono sida muhiim ay u yihiin ciidamada Qaramada Midoobay ilaaliyo.

Guuto Guuto1 Guuto2 Guuto3 Guuto4 Guuto5 Guuto7 Guuto8 Guuto9 Guuto91 Guuto92

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com