Ciidamada Gallan oo dhufeysyo cusub sameystay iyo xiisada oo…

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Carmo ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan uu halkaasi kala baxay ciidamadiisa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mr Gallan iyo ciidamadiisa ay u guuren bariga fog hlkaas oo asal ciidankiisa ay ka yimaadeen, sida ayay wararku sheegayaan.

Ciidamadaani ayaa waxaa halkaasi loo geeyay in dhufeysyo ay ka sameystaan waxaana cabsi xoogan ay iminka ka jirtaa bariga fog.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa ku dhawaaqay inuu sii laba jibaari doono weerarada uu kula jiro ciidamada daacada u ah C/wali Gaas.

Gallan, ayaa sheegay in wada hadal uu imaankaro keliya goorta C/wali Gaas uu daacad u noqdo shacabka kana tanaasulo waxa uu ugu yeeray qabyaalada.

Deegaanada loo raray ciidamada Gallan ayaa ah deegaano u badan faaruq, halkaasi oo Mr Gallan uu ugu diyaar garoobaayo la dagaalanka maamulka C/wali Gaas.

Dhanka kale, waxaa socda waanwaan inkastoo horay ay u fashilmeen wada hadalo ay wadeen Odayaasha ka socday dhanka C/wali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com