“Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa ii dhow Ethiopia oo walaalo nahay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu shaaciyay in Ethiopia ay kaga dhow dahay Soomaaliya marka loo eego walaalnimada.

Wasiirka oo ka jawaabay su’aalo la xiriira xariga Ethiopia ay u geysatay Wariye ku sugnaa Wajaale iyo TV Horn Cable ayaa si cad u sheegay iney Ethiopia kala hadleen arimaha xariga.

Balse kala sooca shacabka Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa yimid markii la weydiiyay su’aal ku aadan marka ay ka hadlayaan xaaladaha Soomaaliya oo si adag ay kaga hadlaan, balse xariga Ethiopia ee TV iyo wariyaha aysan marnaba ka hadal.

Wasiirka wuxuu sheegay in shacabka Ethiopia ay kaga dhow yihiin Soomaalida, sida uu yiri, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay tahay cadowga maamulka Somaliland balse Ethiopia ay walaalo yihiin.

“Somalia & Ethiopia waxaa ii dhow Ethiopia oo aan walaalo nahay, Soomaaliya waa tan ina sheeganeysa ilaa iyo hadda oo diidan qaranimadeena, laakiin wadamada kale ee jaarka aynu nahay wey na ixtiraamaan”ayuu yiri Warancadde.

Siyaasiyiin badan oo ku sugan Somaliland ayaa la aamisan yahay iney dhab ka aheyn hadalada carada leh oo ay mar walbaa ku yiraahdaan Soomaalida kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com