KEATING oo ka hadlay tallaabo uu qaaday madaxweyne XASAN SH.

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud saxiixay dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wikiilka QM u qaabilsan Somalia Michael Keating.

Michael Keating, ayaa sheegay inay taageersan yihiin talaabada lagu ansixiyay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.

Keating, waxa uu sheegay in saxiixa Madaxweyne Xassan ee ku aadan Guddigaasi uu yimid xili munaasib ah, waxa uuna sheegay in dhankooda ay ka taageersan yihiin.

Mr Keating waxa uu tilmaamay in sharcigaan uu yahay mid Dowladda Somalia awood u siinaayo ilaalinta xuquuqda aadanaha, waxa uuna carab dhabay in tani ay imaaneyso wakhtigeeda.

Sidoo kale, Mr Keating waxa uu Wasaarada Haweenka uga mahadcelshay dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixisay sidii Madaxweynaha Somalia uu ku saxiixi lahaa sharcigaan.

Haddalka Keating waxa uu kusoo aadayaa iyadoo Madxaweynaha Somalia uu saxiix ku boobaayo dhammaan dalabyadii horyiilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com