Fadeexad: Mahad Salaad oo isku bedelay boostaale u gaara Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh uu bilaabay in Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad uu u adeegsado qaab Boostaale ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mahad Salaad xiligaani uu isku bedelay Boostaale warqadaha sirta ah u kala qaada Xassan Sheekh iyo Dowlada ethiopia, kadib markii Madaxweynaha uu sirtiisa kala cabsaday Madaxda kale ee isaga ku dhow dhow.

Madaxweyne Xassan oo sidii hore kaga soo dhawaaday dowlada ethiopia ayaa waxa uu iminka sirtiisa gaarka ah ku aaminaa Mahad Salaad oo la rumeysan yahay in Warqadaha gaarka ah u qaado ilaa dalka ethiopia isaga adeegsigaasi ku bedelanaaya sii shaqeyntiisa.

Ilo ku dhow dhow Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad ayaa xaqiijiyay in Mahad uu iminka gacanta ku hayo dhammaan Dukumiintiyada gaarka ah ee khuseeya Xassan Sheekh iyo Dowlada Ethiopia, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in wakhtigaani uu yahay shaqsiga keliya uu Xassan u wakiishay uruurinta dhaqaalaha doorashada.

Mahad Salaad, ayaa iminka galay booskii uu heyn jiray Xildhibaan Faarax C/qaadir, waxaana xusid mudan in Madah uu yahay shaqsiga keliya ee ka haray xubnihii kale ee Damul-Jadiid markii laga reebo tirro dhowr ah oo aan u warheyn sirta Xassan Sheekh.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada u adeegsada kala fogeynta Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasadiisa xiliyada ay xaaladu ku adkaato Madaxweynaha.

Geesta kale, Mahad Salaad, ayaa Xassan Sheekh uga go’ay Beeshiisa waxa ayna inta badan Beeshu ku dhaliishaa inuu yahay magac u yaal ka gaabiyay kaalintii ay Beeshiisu ku dhex laheyd Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com