Kenya Airways oo war kasoo saartay duulimaad la sheegay inay ka bilaabeyso Hargeysa

Nairobi (Caasimada Online) – Shirikadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa maanta ka hadashay warar sheegaya in duulimaad toos ah ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, dhamaadka bishan aan ku jirno ee May.

Qoraal kasoo baxay maamulka Kenya Airways ayaa waxba kama jiraan loogu tilmaamay wararkaas oo shalay ilaa xalay si weyn loogu baahinayay baraha bulshada, ayada oo lagu lifaaqay heshiiskii ay hore u wada-galeen madaxweyne Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta.

Wararka ay beenisay Kenya Airways ayaa waxaa lagu sheegay inay duulimaad toos ah ku tegi doonto Hargeysa toddobaadkiiba saddex maalin, kuwaasi oo lagu kala sheegay Arbacada, Jimcaha iyo Axadda.

“Kenya Airways (KQ) waxay jeceshahay inay cadeyso in qorshooyinka ay duulimaadyada uga bilaabi doonto Hargeysa, Somaliland ay weli ku jiraan hakad, iyadoo la sugayo ogolaanshaha iyo ansixinta aas-aasiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Shirkadda.

“Hadda ma jiraan duulimaadyo toos ah oo howl-galaya oo shirkadda ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo ay Kenya Airways ku beeninayso wararka la wareejinayo baraha bulshada.

Qoraalka Kenya Airways ayaa laga fahmi kara in duulimaad ay ka bilowdo Somaliland ay ku xirantahay ogolaansho laga helo dowladda federaalka oo gacanta ku haysa maamulka hawada Soomaaliya, inkasta oo ay arrintaas ku cadeyn qoraalkeeda.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliland ayaa heshiis ay kal hore wada-gaareen, waxaa qeyb ka aheyd in diyaaradda Kenya Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Hargeysa.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay shalay dowladda Kenya ku dhawaaqday joojinta duulimaadyadii Soomaaliya, midaasi oo cadaadis hor leh lagu saarayo dowladda federaalka, si ay u fasaxdo qaadka laga soo dhoofiyo Kenya.