Muxuu Farmaajo kala hadlay madaxweynaha Burundi?

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda kula kulmay madaxweynaha dalka Burundi, Évariste Ndayishimiye, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Kulanka ayaa waxay labada madaxweyne kaga wada-hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka dhaxeeya ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu shalay kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, waxayna ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa dhawaan gaaray dalka Uganda, waxaana safarkaan ku wehlinaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale, si ay uga qeyb-galeen caleema saarka madaxweyne Museveni.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%.