Rooble oo qorshe cusub ka billaabay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka billaabay wada-tashiyo ku aadan shirka arrimaha doorashooyinka, kadib markii uu shalay ku soo laabtay dalka.

Rooble ayaa haatan wada qorshihii ugu dambeeyey ee shirkaasi oo la filayo inuu qabsoomo 20-ka bishan aynu ku jirno ee 2021-ka, iyada oo go’aan looga gaarayo doorashooyinka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaruhu ka baaraan-degaya shirkani, si uu u noqdo mid ka duwan kulamadii hore, meeshana looga saaro shuruudaha fashilin kara shirkan oo saldhig u ah doorashooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Rooble uu haatan ka fakirayo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha fashilin kara wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la wareegay amniga iyo maamulka doorashada, isaga oo kadib billaabay abaabul xoogan oo uu ku wajahayo mucaaradka.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee yare dagan tahay, kadib heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen dowladda iyo mucaaradka.