Xog: Ciidamadii Cabdirashiid JANAN oo diiday qorshe ay damacsaneyd dowladda

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka Gedo ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadii Cabdirashiid Janan ee la heshiiyey dowladda Soomaaliya ay diideen in lagu daro ciidanka dowladda ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidanka Janan ay sharuud ku xireen ku biirista ciidanka dowladda, taasoo ay ka biya diideen saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo. 

Ciidanka Cabdirashiid Janan ayaa dalbaday in la siiyo guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beladxaawo. Sidoo kale ciidankaan Janan ayaa dalbaday in la siiyo taliyaasha degmooyinkaas ee Nabad Sugidda ama taliye ku-xigeenada. 

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa la filayaa in uu safar ugu baxo gobalka Gedo, waxaana safarkiisa ku wehlin doono saraakiil ka tirsan Villa Somalia, ayadoo ujoodka safarkooda lagu sheegay in xal loogu raadinayo arrimaha ka soo cusboonaaday gobalka Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jirto cabsi ku aadan in laga yaabo in ciidanka Janan ay isaga ka goostaan, islamarkaana noqdaan kuwa iskood u taagan oo dowladda mucaarada ama la gorgortama.