Kenya ayaa Welwel kii ugu weynaa ka Muujisey Dadka Soomaaliyeed ee Dib ugu laabanaya Dalkooda

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka Bishii Oktoobar ee 2011 ayaa waxaa Dalka Kenya ka Bilowdey Qaraxyo , Dilal , Dagaalo hase yeeshee gelitaankaasi waxaa uu keenay in Ciidamada Kenya ay si toos ah u dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed oo markii hore halkaa u tagey in ay ka helaan Nabadgelyo

Dhibaatadaas waxay saameeyeen Dadka Soomaaliyeed kii ka soo jeedey “Gobolka Waqooyi bari” iyo kii ka tagey dalka Soomaaliya waxaana dadka Soomaaliyeed lagula kacay Dil, Xarig Hanjabaad iyo Boob iyadoo si gaar ah loo Bartilmaameedsadey qof kasta oo Soomaali ah meeshuu doono ha ka yimaado , waxaana Xabsiyada dalkaas ka buuxa dad fara badan oo Soomaali ah iyadoo Dawlada Kenya arritaan uga timid Dhaleeceeyn aad u weyn.

Dadka soomaaliyeed ee ku noolaa Mudada dheer Wadankaasi kuna ganacsanayey Hanti aad u balarana ku yeeshey ayaa Bilaabey in ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya waxaa dadkaasi dalka Kenya uga baxayaan Diyaarado iyo Gaadiidka dhinaca Dhulka ah , waxaana Gobolada Soomaaliyeed maalin weliba ku sii qul qulaya dad fara badan oo ka yimid Wadankaasi qaarkood waxay soo Xaraasheen Hantidii ay ku lahaayeen ha noqoto Guryihii dhaadheeraa ee ay halkaasi ka dhisteen sidoo kale waxay Xaraasheen Hantidii kale ee ay ka mid ahaayeen Gawaari iyo Badeecooyinka kale .

“Markii horeba dhib baan ku qabney Ciidamada Kenya marka waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed ee weli ku Harsan Wadankaasi oraahdaan “Nin Gurigaadii kuugu dilaya kiisa kuuma Dhaafayo” ee inta ay goori goor tahay wadankaasi isaga soo baxa meel idiin ka wanaagsan ma jirto Wadankaada “ayuu yiri Ismaacil Xasan oo aan kula kulaney mar uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

“Weligeen dadka Soomaaliyeed Madaxfurasho ayaa loogu haystey Wadanka Kenya Madaxfurashadii baa sii balaaratey oo ku darsantey Dil iyo Boob marka waxaa dadka Soomaaliyeed aan kuula talinayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo guuraan Dalkaasi oo wadankooda Maalgashadaan “ayey tiri Xaawo Cali oo markii ay ka soo degeysey Garoonka wadatey dhowr Caruur ah iyadoo sii raacisey “Waa Ilaah Mahadii haddi aan dib ugu soo laabtey Wadankeygii .

Qulquka dadka Soomaaliyeed ee Wadanka Kenya waxaa la sheegey in uu dhabar jab ku noqdey Dowlada Kenya waxaana la xaqiijiyey in dhaqaalihii ka soo geli jirey Dowlada Kenya Ganacsiga dadka Soomaaliyeed uu hoos u dhacay, sidoo kale waxaa ugu darsamey markii iyana uu hoos u dhacay Dhaqaalihii ka soo Xaroon jirey dadka Dalxiiska ah waxaana dadka Saadaaliya Dhaqaalaha Kenya waxay sheegeen in Kenya uu ku soo fooleeyahay Qalalaase Dhinaca Dhaqaalaha ah kii ugu weynaa waxaana Durba dalkaasi ka bilowdey in Bankiyada lagala baxo Lacagaha, sidoo kale Dhaqaalihii ay ka heli jirtay Dowlada Kenya Xeryaha Qaxootiga ee dadka Soomaaliyeed ku lahaayeen Wadankaasi oo isagana meesha ka sii baxaya, hadaba la arki doono waxa uu ku damabeeyo wadanka Kenya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinklhasaaro@yahoo.co.uk