Xafiiska Ra’isul Wasaare Saacid oo Maanta War Culus ka soo baxay.

Dib-U-Eegis Lagu Sameeyey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Qaarkood. 

Muqdisho, 11, jan, 2013…..Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.

 Waa tan Dikreetadii oo dhamaystiran:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed. 

Markuu arkay:            In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka

                                               qaab- dismeedka Wasaaradaha qaarkood, 

Markuu arkay:            Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi

                                             loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood; 

Markuu tix-geliyey:   Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda;

Marku tix-geliyay:     Qodobada 97, 99, 100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed 

Wuxuu soo saaray Xeerkan:

Qodobka 1-aad

Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo: 

a)  Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii iskaashiga Caalamiga ah.

b)  Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon doontaaWasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

c)  Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon doontaaWasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.

Qodbka 2-aad

Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.

Qodobka 3-xaad

Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax isbedel ah laguma samayn.

Shaqo Wacan